Shir hordhac u ah madaxda golaha wadatashiga oo ka furmay Baydhaba + Sawirro

Baydhabo (Caasimada Online)  – Shir hordhaca u ah Ajendayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo uu furay Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, oo qeyb ka ah ajendayaasha shirka madaxda Madasha Wadatashiga Qaranka.

14-ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamullada ayaa waxaa looga hadli doonaa dhameystirka nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay tabashada maamulka Puntland.

Dabayaaqadda sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaran uu yeeshay shirkiisi afaraad, kaasi oo laga soo saaray go’aanno ay qaarkood ka hortimid dowlad-goboleedka Puntland.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xilligaas kulankooda uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob oo kasoo baxay shirkaasi, ayaa waxaa laba ka mid ah iska diiday Puntland, taasi oo lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay.

Labadaas qodob ayaa waxay kala ahaayeen Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayna usii dheer tahay xaaladdo siyaasadeed oo taagan iyo sidoo kale abaaro baahsan oo weli ka jira dalka.