CC Shakuur oo shaaciyay arrin ay ku kacday Shabaab oo kordhisay halis ka jirta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay kororka abaarta ka jirta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku eedeeyay Al-Shabaab in dadka beeraleyda ah u diideen inay dallaagooda beertaan, xilli ay dadkaasi fursad u haysteen inay tacbadaan beeraha, sida uu sheegay.

“Annaga culeysyo badan ayaa na heysto oo run ahaantii qayb ayay ka yihiin sababaha abaaraha sababta oo ah waxa ay dadkii u diidan yihiin in beerihii tacbadaan oo xoolihii dhaqdaan iyaga oo ah dad masaakiin ah oo abaar iyo dhibaatooyin heysta oo 5 waqti roobaad ka baaqday,” ayuu yiri.

“Beerihii ma falan karaan oo canshuur badan ayay dulsaarayaan, aniga nin beeraley ah oo weliba ceel beertiisa uga dhex qodon yahay kuwa aan ceelasha lahayn iskaba dhaafee, habeenkii ma daari kartiin ayay ku dhaheen sababtoo ah nalka waxaa soo raacaya diyaaradaha Drones-ka ah, maalin keliya ayaa daari kartiin, beertana habeenkii ayaa la waraabiyaa.”

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in falalka nabad-gelyo darro ee kooxda ay qayb weyn ka tahay waxyaabaha dowladda Soomaaliya ka hortaagan inay hesho fursado maalgashi shisheeye ah iyo in gudaha dalka laga fuliyo mashaariic muhiim ah.

“Dadkii oo dhan ayay nolosha ku cariiriyeen waxa ay taasi keentay in abaarta culeyskeedii qayb ay ka noqdaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Argagixisadu waxa ay naga hortaagan yihiin oo nabad la’aanta naga hortaagan tahay oo dowladda Soomaaliyeed ay hesho fursad oo maalgashi dibadda uga yimaado oo waxa uu dhaqaalaha ku kordhaa maalgashiga shisheeye. In ay dowladdu deyn qaadan karto, in ay dowladdu heli karto mashaariic waaweyn sida korontada, dhismaha jidadka iyo warshadaha balse waxaas oo dhan waxaa naga hortaagan xasilooni darrada argagixisada.”

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo dhawaan ay daaha ka rogeen QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gar-gaar ay ku noolaadaan.