Sacuudi Carabiya oo soo farogelisay xiisadda ka dhex oogan Somalia iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta toos usoo faragelisay xiisadda diblomaasiyasadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii ay xukuumada Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Safiirka Riyad u jooga Muqdisho Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo la kulmay ra’iisul wasaare Xamza ayaa u caddeeyay mowqifka dowladdiisa, wuxuuna sheegay inay lama taabtaan tahay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna garab taagan yihiin.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa  dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageeradeeda iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas kadib labad mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyay deyntii.

Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliy, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Horay Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.

Si kastaba, heshiiska magaalada Addis Ababa ku dhex-maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay caro xoogan iyo cambaareyn caalami ah, maadaama uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.