Arrimo badan oo la qariyay iyo ‘khiyaano uu ku kacay’ Muuse BIIXI oo la shaaciyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka falceliyay wareysi cusub oo uu bixiyay Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein, kaas oo si faahfaahsan uga hadlay heshiiska Addis Ababa ee u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu daawaday wareysiga ninkaas oo laga sii baahiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu soo koobay 5 qodob oo muhiim ah, kuna aadan heshiiska badda ee ay la galeen Somaliland.

Xildhibaanka ayaa qiray inuu Redwan Hussein bannaanka soo dhigay arrimo qarsoonaa oo ku aadan heshiiskaasi, gaar ahaan badda ay la wareegeyso dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku kacay khiyaano qaran oo weyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Halkan waxaa ku cad in Muuse Biixi uu ku kacay khiyaano qaran. Weli fursad ayuu haystaa kaga laaban karo is-fagaradka, haddii kale waa in  Baarlamaanka Somaliland uu danbi khiyaano ah ku soo oogo (impeach), xilkana ka qaado.” ayuu qoraalka ku yiri Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran iyo arrimaha la qariyay + ‘khiyaanada uu ku kacay’ Muuse Biixi.

Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein oo wareysi siiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya ayaa sheegay shan qoddob oo muhiim ah,kuwaas oo kala ah-:

1- In Muuse Biixi ay kula heshiiyeen dhulka( Laga bilaabo xadka Itoobiya ee xuduudda dhulka ilaa inta ku aadan badda) taas oo ka duwan wixii uu sheegay Muuse Biixi oo ahayd in badda oo keliya ka kireyeen.

2- In aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doona oo keliya marka ay Somaliland saxiixdo heshiiska bixinta dhulka iyo badda.

3- In an weli laga heshiinin saamiga Somaliland laga siinayo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia airline.

4- In sidookale aanan laga heshiinin lacagta lagu kireynayo dhulka iyo badda.

5- In ay doorteen dhanka Lughaye, 20 kilomitir na ay ka badan karto dhulka ay rabaan. Wuxuu intaa raaciyay in tareen iyo waddo laami ah ay ka dhisi doonaan badda ilaa xadka Itoobiya.

Halkan waxaa ku cad in Muuse Biixi uu ku kacay khiyaano qaran. Weli fursad ayuu haystaa kaga laaban karo is-fagaradka, haddii kale waa in  Baarlamaanka Somaliland uu danbi khiyaano ah ku soo oogo (impeach), xilkana ka qaado.