Sacuudiga oo xukun qoor goyn ku fuliyay nin Somali ah (Magaca iyo Sababta)

Jidah (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay Muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii uu dilay gabar Soomaali ah.

Wargeyska alriyadh oo kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in Muwaadinkan la qisaasay lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Xasan Cabdi, isagoo si ku tallo gal ah u dilay marxuumada Fatxiya Buule Xasan.

Gacan ku dhiiglaha la qisaasay ayaa dilka haweeneyda u adeegsaday toorey kadib markii uu uga dhacay Hooyga ay ka daganeed magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga.

Dilka danbiilaha ayaa yimid kadib markii qoyska marxuumada ay boqortooyada Sacuudiga ka dalbadeen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha la qisaasay.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay iyadoo la tixgalinaayo rabitaanka qoyska marxuumada la go’aansaday in xukun dil ah uu ku dhaco dilaaga.

Dhinaca kale,qisaasta oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa goobta ku sugnaa qoyska marxuumada.

Caasimada Online

Xafiiska Jidah

Caasimada@live.com