Saddex (3) nooc oo ay u kala baxaan ragga xaasaska qaba (Kala baro)

1- Nin la aaminay: Yacni waa nin hadii farta afka loo galiyyo qaniinyo iska daayee aan bishinta saarreyn! waa sida Baarri, gabadhii ka soo hor baxda ama tii baacsata jidka ayuu u banneeyaa wuxuu qalbiga iska leeyahay “aaminadii ha dhaawicin”.

Mar ALLA marka qorraxdu dhacdo ayu u sida digaagi dhankii guriga jiro usoo carraabaa. haweenka ay qabaan ragga caynkan ah waa yaqaanan oo kama shakiyaan… waa aamin oo kalsooni badan ayaa xagiisa jirta, waliba isagoo bac hadiyad ama adeeg dadaaminaya ayuu guriga ilinka ka soo gallaa.

Hadii telefoon uu ku hadlo lama yiraahdo “oo yaad la hadleysay…?”, hadii uu e-mail ama lap top ku fooraro, inta garabka la qabsado oo madaxa garka meesha ugu hooseysa la saaro isha laguma xado oo lama eego in e-mailka ama Internet-ka uu ugu jiro hasaawe hablood.Gabadha ninkaasi u dhaxda kalsooni ay isku qabto, haweenku marka ay ka sheekaysanayaan innan rag mid ka mid ah oo gabar silic iyo saxariir baday oo mid cusub ka raacey, iyadu cidada (cijida) ayay hoos isugu jabisaa, markaasi ayay tiraahdaa “Walee hebelka guriga ii jooga ragg ma dhaafsado ALLA kii ragg ahaa muxuu kala duwan yahay”.2- Nin la dhaariyey: Yacni marbuu inta xiniinya is biday oo sida gabdhaha loola sheekeysto ama loo shukaansado jelleecay. Laakiin nasiib xumo Inta la ogaadaybaa la qabtay xooggaanna la gil-gilay.
Dhaarbuu inta xaabiyey ayuu kibaatka qur’aanka dusha ka marey, isgaoo ku calaalaya “macaaney waxaasi waxba kama jiraan, ma aniggaa naag kale fiirin kara, ALLA maxay been kuu sheegeen”, isagoo dhidid ka da’ayo oo niyada iska leh reerkan iyo caruurta ha dayacin, ayna u sii dheer tahay masuuliyad uu isa saarayo ayuu haddana ku celiyey “Xabiibti run haddaan kuu sheego damac dumar iguma jiro ee ilmaha aan wada korsanno adigunna iga daa kalar qabsiga oo isku xishood..!!!.

Laakiin nasiib xumo sidaasi loogama harine inta kitaab la soo qabtey ayaa lagu yiri “hadii aad daacad tahay oo warka lagaa sheegayo aannu jirrin, ii dhaaro”.

Macalinkii geesaha ayuu fiiriyey, wuxuu yiri.. “maxaan kuugu dhaartaa”…?, Macalimadii neef ayaa ka soo fuqdey, waxayna niyada iska tiri …Yessss “maanta ayay ii gashay” waxay si fudud u tiri “Iidhaarro inaadan naag ila guursan doonin.

Xariifkii filimkii uu tigidka u goostey “The END” oo far waa weyn ayaa u soo qorantey, wuxuuna xuf ka siiyey kibaatkii waliba wuxuu yiri “Waxaan ku dhaarranayaa inaan guursan doonin inta wajigan quruxda badan” {inta gacanta dhabanka gabadhii ka saarey}“inta ay subax kasta sariirteenna ka soo toosayso”.

Ninkaasi halkaasi ayuu ku noqdey nin dhaarsan, gees iyo gees ma fiiriyo, wuxuuna is leeyahay “armuu kitaabkii aad liqdey ku qabtaa”.

3- Nin laga quustay: Kani waa raggeedii, ragganimo ayuu meel dhigtey sida asxaab badan aamisan yihiin in uu yahay nin raggeedii ah. Bishii ugu horreysayba ee uu guursadey naaga kale raadinteed buu ku jirey. Ninkani waa damac badan yahay garbasaar ama gambo madax saaran oo kasta oo uu arko dhugmo dheer ayuu ku egaa. Gabadhii agtiisa martanna isha ayuu ku xadaa had iyo goor isaga iyo dumar wax uunbaa ka dhaxeeya oo makala dhamaadaan.

Ninkani waa farsamo yaqaan sare, wuxuu ku dheeraayaa habka loo soo xero galiyo hablaha xaaskiisu waxaa sida qoraxdu u soo baxdo aroor kasta loogu keenaa: {WAR DEG DEG AH}: “hebel ayaa guri heblaayo lagu sheegay, gaarigiisa heblaayo ayaa saarneyd iyo hadalo kale o oo baddan oo ay ehel iyo daris la noqotey.

Ninkani xaaskiisa habeenkii markii uu u yimaado hadii uu shaati cad sito rooseetada (lipstick-ga) ka buuxda waxaa la is oran karaa gabar aroos ah miyuu Bulkiyeer ahaan ugu shaqeeyey, catarka iyo baruunka ka soo baxayanna waxaa la is leeyahay dukaan udugga lagu gado ayuu 48 saac ku hoyday.

Xaaskiiisu su’aallo waydiin way ka daashay sida wariye barnaamij dood ah qabta 24-kii saacba waxay waydiisaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin “Shaatigaaga kulligeetigga waxa ka guduudan ee ka buuxa maxay yihiin”….Xiligan intee ka socotaa…telefoonkaaga maxaa ku dhacay….guriga heblaayo maxaad ka qabanaysay, codka dumar ee aad la hadlayso muxuu yahay…?…iyo kuwa kale oo badan..!!!..mar marka qaar iyadoo og arimo fara badan waxay su’aalahan u waydiinaysaa si ay qalbigeedda u qaboojis ah oo ay isaga dabcinayso ciilka iyo caradda…ogow su’aalaha qaarkood si hoose ayey u waydiinaysaa oo caro iyo xanaaq uma quurto oo waxay ka baqaysaa in uu furka tuurto.. waliba iyadoo casho u diyaarinaysa.

Laakiin Ninkan xaniinyaha badan sida asxaab badan aamisan yihiin gurri dumis wuxuu u jiraa intii uu ka hindhiso masaafo la’eg, caruur hadii uu dhaleyna rag kale ayuu badaa inay adeer u noqdaan ama ay dayacmaan sababta furiinka…hadii kale xaajiyada uu qabo ayaa isku qaboojisa “ISKA SAMIR OO ISKA DULQAADO OO YAANAY KAA DAYACMIN CARUURTAADA”!

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi