Saddex arrin oo Farmaajo ku saabsan oo aan ka ogaanay wareysigii Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah u shaaciyey cidda laheyd amarkii dowladda Itoobiya loogu gacan galiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka ururka xornimo doonka ah ee ONLF isagoo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey dhowr qodob.

Sanbaloolshe oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in amarka lagu dhiibay Qalbi-dhagax ay la haayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagana lagu amray doorkii fududeynta ahaa ee uu ku lahaa.

Sanbaloolshe intuu ka hadlayey kiiska Qalbi Dhagax, wuxuu Madaxweyne Farmaajo si dadban ugu eedeeyey seddex arrin oo kala ah:

1) – Inuu madaxweyne Farmaajo lahaa Mas’uuliyadda dhiibista Qalbi Dhagax isla markaasna ay tahay inuusan daah isku qarin kana dalbado cafis Shacabka, ONLF iyo Qoyska Qalbi Dhagax, wuxuuna arrintaas tusaale ahaan ugu soo qaatay waqtigii uu taliyaha Nabadsugidda ahaa oo uu xilkiisa ku waayey Xildhibaan la xiray balse uu sheegay inuusan isaga xirin oo uu ka dambeeyey Taliyaha Godka Jilacow balse uu isaga dusha saartay mas’uuliyadda xarigaas sidaasna uu ku waayey xilkiisa maadaama uu isaga yahay Taliyaha Guud ee nabadsugidda sidaas oo kalana Farmaajo looga fadhiyo inuu qaato Mas’uuliyadda kiiskaan.

2) – Qodobka Labaad oo uu Sanbaloolshe ku eedeeyey si dadban madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu yahay shakhsi madax adag oo aysan gar dhan gelin.

3) – Qodobka sedexaad wuxuu ku sheegay inuu Farmaajo aheyn sida ay u maleeyaan Shacabka isla markaasna uu yahay shakhsi u nugul cadaadiska Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in dadka qaar ay Farmaajo u heystaan Nabi arrintana aysan sidaas aheyn.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ugu baaqay inay si geesinimo leh u qirtaan dambiga la galay isla markaasna ay ONLF ka saaraan liiska Argagixisada maadaama Dowladdii uu ururkaas dagaalka kula jiray ee Itoobiya ay iyadaba ka saartay liiskaas.

Wuxuu codsaday in Qalbi Dhagax lagu casuumo Muqdisho isla markaasna ay si guud u raali geliyaan madaxda ugu sareeyo dalka oo uu sheegay inay iyaga lahaayeen amarka Itoobiya loogu dhiibay isagana uu kaliya lahaa amarka lagu soo xiray.