Saddex CUDUR oo halis ah oo DADKA Soomaaliyeed ku dhacay (Faah-faahin)

Bismillaah, Cudur marka aad maqasho waxaa Maskaxdaada ku soo dhacaya Xanuun, Xanuunkaas oo ah bugto loo jiifto Qaarkeedna aan laga Bogsoon, hadaba bal aan isku dayno marka hore inaan qeexno noocyada xanuunka.

Cuduradu waxay u kala baxaan Si guud, kuwa Faafa iyo kuwo aan faafin, marka laga hadlayo noocyada faafa waxa ay saamayn ku yeeshaan bulsho ama deegaan meel dagan oo kale hadii aan daawo deg deg ah loo helin waxaa dhacda in bulshada magaaladaas degan uu wada saameeyo.

Si aan u fahanno ujeedada qoraalka waxaa jira Cudurro ku faafey bulshada Muslimiinta ah si guud si aad ahna u sameeyey Somalida meel kastay joogaan, waxaana haboon in aan isku dayno bal inaan fahanno Cuduradaas wax yaalaha keena iyo sida looga hortago iyo hadii uu kugu dhaco sida loo daaweeyo.
Cuduradana waxaan u kala qaybin doonnaa dhawr qaybood si mid kasta aan u sheegno waxa keeney ayna inoogu sahlanaato qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo hadii uu nagu dhacana loo daawayn karo.

Cudurka Sheekh Barar.

Cudurkan Sheekh Barar waa Cudur halis ah oo aad ugu faafey bulshada somaliyeed meel kastay joogaan waxa uuna aad ugu soo caan baxay meelaha lagu kulmo ee Internetka iyo Wadamada Qurbaha waxa uuna la mid yahay Sicir Bararkii ka dhici jiray Suuqyada Caalamiga ah,  Cudurkaan waxa uu ku dhacaa Dadka waa wayn iyo Dhalinyaradaba waxa uuna ku faafaa si sahlan waxaana sababa Cilmi yari iyo Aqoon Xumo  xagga diinta ah  qofka uu ku dhaco cudurkani waxa uu jecel yahay in loogu yeedho sheekh Isaga oon Gaadhin Darajada Celmiga ee sheekh Meel duruus laga akhrinayana aan xaadirin, waxa uu Sheekh Barar Cilmiga Bartaaa Sheekh La’aan kaligiis ayaa isu sheekh ah diintana waxa uu u fahmaa sida uu isagu doonayo.

Ka Hortagga Sheekh Barar.

Cudurkaan waxaa lagaga hortagi karaa in la barto diinta lagana qaato Culimada aqoonta dheer u leh Cilmiga Sharciga ah, waxaa lagaga hortagi karaa tawaaduc iyo u kaadsiinyo, ninka daalibul cilmiga ahna uma haboona inuu jeclaado in loogu yeero sheekh isagoon doob dilaacsan Cilmigeedna lahayn.

Daawada Cudurka sheekh Barar.

Cudurkaan Sheekh Barar waxaa lagu Daawayn karaa adiga oo Jeclaada Culimada fahmana inay yihiin Culimadu kuwii dhaxlay Anbiyada  waxaadna ku daaweyn kartaa Cudurkaan Adiga oo ilaahay in badan ka barya inuu Ku fahan siiyo Diinta barashadeeda kuuna sahlo ku dhaqankeeda.

Cudurka Qabyaalada

Cudurkan Qabyaaladdu waxa uu ku dhacaaa dadka Aqoonta diimeed iyo tan maadiga ahba ku hooseeya waxa uuna ku badan yahay dadka fadhiista meelaha fadhi ku diririrka ah waxa uuna sababaa welwel iyo welbahaar joogta ah qofka uu ku dhaco cudurkan waxaa uu halis u yahay in uu xataa diinta kaga baxo isagoon is ogayn ama isuba haysta inuu yahay muslim.

Ka hortagga Cudurka qabyaaladda.

Qabyaaladda waxaad kaga hortagi kartaaa inaad ka dheeraato meelaaha fadhi ku dirirka ah, ee had iyo goor qabyaaladdu hadhaysey,  waxaad isku daydaa inaad la saaxiibto dadka aan qabiilkaaga ahayn, iyo kuwa qabiilkaaga ah ee ka fog qabyaaladda Xun.

Daawada Cudurka Qabyaaladda

Hadii uu cudurkani  kugu dhacay waxaad ku daawayn kartaa Adiga oo Allaah u noqda waxaana ku celcelinaysaa in badan  kuna Bararugaysaaa Aayadda 13aad ee Suuratul Xujraat.

Cudurka Gaalaraacnimada

Cudurkan waxa uu ku dhacaa Dadka Qalbiga ka jirran ee neceb in la isku xukumo Shareecada Allaah, marka ay maqlaan sharciga ha la isku xukumo  waxa uu shaydaanku quluubtoda jirran ku tuuraa in aan la isku xukumi Karin Kitaabka Allaah, waxayna diinta ku fiiriyaan Ookiyaale madow  waxaana u muuqda  Gacan la goynayo iyo Qof dhagax lagu dilayo iyo meel la qarxinayo.

Ka hortagga Cudurkaan.
Cudurkaan waxaad kaga hortagi kartaaa Adiga oo Naftaada ku xukuma Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Suubanaha Calayhissalaam,  waxa aad ka fogaataa Siyaasadaha ku dhisan Qabyaladda iyo kala qaybinta iyo Gobolaysiga.

Daawada Cudurkaan

Cudurkaan waxaa daawo u ah Adigoo ku celceliya  Aayadda 50aad ee Suuratul Maa’idah, kuna baraaruga macnaheeda, waxaa sidoo kale cudurkaan ku daaweyn kartaaa Adigaa Habeen kii markaad seexanayso ku seexda Sidii Aduunkan uu Islaamku uga talin lahaa Sharciga Allaahna looga Oogi lahaa.
Intaas waxaan ku soo gaabin Cudurada Halista ahee ku dhaca bulshada qaar ka mid ah iyadoo ay ii hadhsan yihiin kuwo ka sii khatarsan kuwaan  una baahan in loo iftiimiiyo Bulshada Muslmiinta ah.

W/Q: Walaalkiin Xagga Diinta
Mustafa Akhyaar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid