Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia oo ku biiray dagaalka TIGRAY

Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, taasi oo muujineysa in dagaalka uu weji cusub yeeshay. 

Ciidamada ayaa ka imanaya mamaul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda.

Duulaanka ay qorsheynayaan saddexda maamul ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in ciidamadiisa ay iska caabin doonaan weerarada uga imanaya cadowgooda.

“Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. 

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray.

Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan.

Weriye ka tirsan AFP oo booqday magaalada Adi Arkay, ee ku dhow xuduudda gobollada Tigray iyo Amxaara, ayaa sheegay inuu arkay kumanaan askari oo halkaas ku sugan oo sugaya amar ay ku dagaal galaan.

Saraakiisha Amxaarada ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in ciidamada Tigray-ga ay doonayaan inay usoo siqaan koonfurta oo ay qabsadaan magaalada Addis-Ababa, si ay dowladda u ridaan.

Madaxweynaha gobolka Oromia Shimeles Abdisa ayaa shir jaraa’id ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Tigary ay doonayaan inay dalka oo dhan “xasillooni darro ka abuuraan.”

Dagaalka ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu noqdo mid sidii hore ka xooggan oo lagu hoobto, kuna saleysan qowmiyad.