Wararkii ugu dambeeyey ee qarax Ismiidaamin oo lagu weeraray ciidanka dowladda

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray Bar kontorool oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa dhaliyay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyey dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka ay dhaawacmeyn illaa 6 kale.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, ciidamada Dowladda ayaa fashiliyey qaraxa gaariga, waxaana u suurta gashay inay toogtaan darawalka gaariga sidaasna waxaa markii dambe ku qarxay gaariga.

Dhaawacyada askarta oo ahaa kuwa fudud ayaa waxaa lagu daaweynayaa magaalada Wasil ee Gobolka Mudug oo qiyaastii 30km u jirto degmada Bacaadweyn.

Laamaha ammaanka Deegaanka Bacaadweyne ayaa bilaabay howlgallo ay ku xog ogaanayaan Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Deegaanka iyo sidii ay u ogaan lahaayeen waxyeelada uu geystay.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan saan-saan dagaal & dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka si gaar ah kuwa gaarka u tababaran ee DANAB, Militariga qaybta 21-aad iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwo deegaanka ah oo isku dhinac ah & Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bacaadweyn, waxayna kaga yimaadeen ilaa afar jiho halka ciidamadii Al-Shabaab ay isaga baxeyn deegaanka.