Xog: R/W Rooble iyo madax goboleedyada oo damacsan qorshe muran abuuri kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la doonayo in laga beddelo heshiiska doorashada ayaa la kulmay caqabad xooggan oo kaga timid dhanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo fashilisay isku dayo ay wadeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hase yeeshee, dhinacyadan ayaa hadda dejiyey qorshe yaab leh, oo qodobkan wax looga beddelayo, ayada oo ay ku adkaan doonto Farmaajo inuu is-hortaago, halka sidoo kalena la rumeysan yahay in wax ka beddelkan ay si hoose u taageereyso beesha caalamka. 

Qodobkan ayaa ah midka la xiriira deegaan doorashada, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu soo koobo hal magaalo maamul goboleedkiiba, halka iminka qorshuhu yahay in doorashooyinka ay ka dhacaan laba magaalo halkii maamul goboleed.

In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo.

Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah uga walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe, ayada oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto.

Ka sokow, caqabadaha sida gaarka ah uga jira Beledweyne, Garbaahrey, iyo Baraawe, waxaa jirta caqabad wada haysata dhammaan maamul goboleedyada, oo dhanka dhaqaalaha taasi oo adkeyneysa in laba magaalo ay doorasho ku qabtaan.

Beesha caalamka ayaa weli diidan inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo dhan tahay $40 Milyan oo Dollar.

Lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan.

Dhammaan arrimahan oo la isku geeyey ayaa adkeeyey in laba magaalo doorasho lagu qabto, waxaana Rooble iyo madax goboleedyada ay isku raaceen in hal magaalo lagu soo koobo doorashada.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla.

Sida aan xogta ku helnay, si arrintan looga gudbo maamul goboleedyada iyo Rooble ayaa dejiyey qorshe ah in marka ay billaabato doorashada Aqalka Sare oo la doorto xildhibaanka ugu horreeyey ay kulan isugu yimaadaan, kuna dhowaaqaan inay kusoo koobayaan doorashada hal magaalo.

Arrintan ayey rumeysan yihiin inay Farmaajo ku adkeyn doonto inuu is-hortaago, mar haddii doorashada la guda galay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa qorsheynaya in inta laga gaarayo muddadaas uu booqdo dhammaan magaalooyinka ay doorashada ka dhaceyso, kadibna soo saaro warbixin uu ku sheegay in magaalooyinka qaar aysan doorasho ka dhici karin.