‘Saddex midkooda oo looga dan leeyahay’ tallaabada uu xalay qaaday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka fal-celiyey tallaabadii uu xalay qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday oo sameeyey magacaabis deg deg ah, xil cusubna u dhiibay Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu saddex eed qoorta u surayo, kuwaas oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa saddexda arrimood ee ka dhalan kara tallaabadii uu qaaday Farmaajo ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa, kuwaas oo kala ah:-

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble looga baahan-yahan inuu ku adkeysto go’aankiisa, isla-markaana uu xilka hay’adda nabad sugida ku wareejiyo Bashiir Goobe, kadibna uu gadal-galo kiiska Ikraan.

“Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan” ayuu yiri CC Shakuur.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weji cusub yeeshay, kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu Fahad Yaasiin u magacaabay lataliyaha amniga qaranka waxaana soo baxaya digniinaha la dirayo ee ku aadan xiisadaas.