Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weji cusub yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale yeeshay weji cusub, kadib markii uu xalay madaxweynaha xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ay saaxibo yihiin Fahad Yaasiin oo isla soo bilaabeen doorashadii 2016 ayaa u magacaabay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isna kasoo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in qoraallada kasoo baxay xafiiskiisa ay daba socdaan mas’uuliyiintii amniga iyo doorashooyinka ee uu wareejiyey.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha,” ayaa lagu yiri warqad liddi ku ah mida Farmaajo oo ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaasi kusii daray in tallaabooyinka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in laga leeyahay dano gaar ah, isla-markaana la doonayo in lagu carqaladeeyo ka sal-gaaridda kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil, si ay cadaalad u hesho.

“Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.” ayaa markale lagu lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

S kastaba go’aanada ka soo kala baxay labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyinka.