Al-Shabaab oo shaacisay MAGACA iyo dalka ninkii fuliyey weerarkii Camaara

Camaara (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo sidoo kale dalka uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya.

Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baahisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Kenya.

Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) ayaa wareysiga marka laga qaadayey ku hadlayey luqadda Sawaaxiliga, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka muslimiinta ah.

“Farrinteda ugu horreyso waxaan u dirayaa muslmimiinta ku nool dhulalka gaalada waxaana leeyahay soo haajira,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali.

Haashim ayaa sidoo kale sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2014-kii, isla-markaana uu ka qeyb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Camaara oo uu xigay dagaal toos ah ayaa dhaliyey khasaare xoog leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada huwanta iyo saraakiisha, waxaana sidoo kale Al-Shabaab au ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.