Twitter-ka NISA oo sheegtay in Yaasiin Farey uu maanta la wareegay xilka agaasimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay twitter-ka rasmiga ah ee NISA ayaa lagu sheegay in agaasimihii uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin.

Qoraalka lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.”

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.”

Ma jirto cid xaqiijin karta xil kala wareegistan lagu sheegay bogga twitter-ka ee NISA, oo uu maamulkiisa hayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu dalka ka maqan yahay.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu xalay Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Ninka haatan la wareegay NISA ayaa horey u ahaa agaasimihii nabad sugida ee gobolka Banaadir ‘wuxuuna ka mid yahay’ shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil.

Si kastaba talaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeysa ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha uu dhankiisa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Goobe.