Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ayaa haatan laga dareemayaa xiisad xoogan iyo sidoo kale dhaqaqaaq ciidan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo.

Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Xiisaddan ayaa daba socota khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, kaas oo ka dhashay kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil Faarax.

Dhinaca kale waxaa maanta ay ku beegan-tahay waqtigii uu ra’iisul wasaaraha u qabtay Fahad Yaasiin, si uu xilka usoo wareejiyo, loona guda-galo baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo in Bashiir Goobe lagu geeyo xarunta NISA, taas oo keeni karta isku dhac, maadaama taliyihii Farmaajo magacaabay uu ku sugan yahay halkaasi.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.