Saddex qarax oo lagu la’day oo ruxay Addis-Ababa iyo rabshadaha oo kasii daray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaan caan ah.

“Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew.

Endeshaw Tasew ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaraxyada, hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in sidoo kale sarkaal boolis lagu dilay iska horimaad dhex-maray booliska iyo dibad-baxayaasha.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm.

Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga.

Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan.

Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.