Somaliland oo amar cusub kasoo saartay dhigashada dugsiyada qur’aanka (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa amaro cusub kasoo saartay dhigashada dugsiyada Qur’aanka, xili ay guddiga ka hortaga Covid-19 uu gebi ahaanba laalay xayiraadihii cudurka.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay in dib loo furayo dugsiyada Qur’aanka, iyada oo la fulinayo amarka guddigaasi, isla markaana la ilaalinayo bad-qabka ardeyda.

Wasiirka ayaa maamulka iyo macalimiinta dugsiyada usoo jeediyay inay raacan talaabooyinka caafimaad, laguna dadaalo kala fogaanshaha ardeyda wada dhiganeysa dugsiyada qur’aanka.

Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale maamulka dugsiyadaasi amray inay macalimiintu isticmaalan qalabka ka hortaga cudurkaasi, iyada oo si joogta ay u daba socon doonto fulinta amaradaasi wasaarada diinta iyo awqaaftu.

Somaliland ayaa dhawaan gebi ahaanba laashay xayiraadihii cudurka Coronavirus, xili uu weli deegaanadeeda ka jiro cudurkaasi, lagana diiwaan geliyo kiisas hor leh oo la xiriira cudurkaasi safmarka ah.

Xukuumada Somaliland ayaa sabab uga dhigtay laalista xayiradahaasi inuu cudurku kasoo yaraanayo caalamka, isla markaana uu hoos u dhacay heerkii markii hore laga filayey cudurkaasi.