Madaxda Israel oo ku kala qaybsamay qorsha ay ku goosanayaan D/Galbeed

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ninka ay xulifo wadaagga yihiin Ra’iisul Wasaaraha Isra’iil Binjamin Netanyahu ee Benny Gantz ayaa u muuqda in uu hoos u dhigayo suurtagalnimadii ahayd in Isra’iil ay goosato qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin iyo Dooxada Jordan 1-da July, isagoo wakiilka Mareykanka u sheegay in dhul goosiga la hakiyo, inta wadanku uu la macaamilayo kiisaska Coronavirus.

Warbaahinta Israa’iil ayaa Isniintii kasoo xigatay ilo wareed ka tirsan xibiga Gants ee Blue and White in wakiilka Aqalka Cad oo Israa’iil u jooga wadahadallo arrinta la xiriira, uu sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uusan cabsi lahayn, deg-degna uusan ku ahayn safmareenka Coronavirus.

“La macaamilka Coronavirus iyo cawaaqibkiisa dhaqaale iyo caafimaad ayaa arrinta riixaya oo u baahan in hadda la qabto,” ayuu yiri.

Wasiirka caafimaadka maamulka Israa’iil ayaa Axaddii sheegay in wadanku uu ku jiro billowga mowjadii labaad ee Covid-19, kadib markii uu hal qof u dhintay 218 kiis oo kalena la xaqiijiyay 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Hadal Isniintii la baahiyay ayaa sidoo kale Gantz waxaa uu ku sheegay in “wixii aan la xiriirin Coronavirus lala sugi doono virus-ka kadib.”

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Gantz oo ah Ra’iisul Wasaaraha labaad ee dalka uu mashaakilka caafimaad ku qiyaasayo in uu qaadan karo 18 bilood oo kale.

Netanyahu oo u jawaabay Gantz ayaa sheegay ayaa xildhaanada xisbigiisa u sheegay in talaabadda dhul goosiga oo golahiisa wasiiradu ka doodi doonaan Arbacada aysan u baahneyn taageeradda Gantz.

“Waxaan wadahadal kula jirnaa kooxda Maraykanka ee halkaan joogta” ayuu Netanyahu ka sheegay kulan ay yeesheen xildhibaanadda Lukud. “Si taxadar leh ayaan u sameyneynaa. Arrintu uma taalo Blue and White. Waxna kama ahan.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Labada nin ee sameeyay xulifo aan sahlaneyn bishii lasoo dhaafay, ayaa labadu booqanaya saraakiil ka timid Washington – kuwaas oo doonaya in ay arkaan Israa’iil oo arinta u middeysan ka hor inta aan la bilaabin qorshaha Netanyahu.

Kala jabka Natenyahu iyo Gantz waxay keeni kartaa in uu dib dhaco kulanka golaha wasiiradda ee looga doodayo dhul-gooosiga oo ay labadoodu horay ugu heshiiyeen in ay bilaabato 1-da july.

Netanyahu waxaa uu sheegay in uu doonayo in madaxbanaanida Israa’iil uu ku balaariyo qayb weyn oo ka tirsan Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, taasi oo lagu sii muujiyay qorshaha aadka loo cambaareeyay ee Trump u bixiyay “heshiiska Qarniga”.

Israa’iil waxay dagaal ku qabsatay Daanta Galbeed 1967-dii waxayna ka dhistay kumanaan guri, kuwaas oo hada ay ku noolyihiin 500,000 oo u dhashay Israa’iil.

Afartii sano ee lasoo dhaafay Trump ayaa dib u celiyay siyaasaddii Maraykanka ee tobanaan sano isagoo Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa’iil, isla markaana aqoonsaday sheegashadii Israa’iil ee buuraha Golan Heights.

Washington ayaa ku cel-celisay in ay taageereyso qorsha dhulgoosiga Israa’iil sida ku xusan “Heshiiska Qarniga ee Trump,” kaasi oo Israa’iil u ogolaanaya in ay sii wado deegaameynta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Falastiiniyiinta oo heysta Tageero caalami ah ayaa doonaya in helaan dhulkooda oo ah xudunta Dowlad madax-banaan oo ay Mustaqbalka yeeshaan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay hoggaamiyeyaasha Falastiin waxaa u soo baxay taageero weyn oo caalami ah, oo uga timid Qaramadda Midoobay, Midowga Europe iyo dalal Carbeed, kuwaas oo dhamaantood diiday qorshaha dhul goosiga ee Israa’iil.

Isniintii, Michelle Bachelet oo ka tirsan xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa ku booriyay Israa’iil in ay baabi’iso gebi ahaanba qorshaheeda dhul goosiga, isagoo sheegaya in “dhulgoosigu uu yahay sharci darro.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Michelle Bachelet ku eedeysay eex, waxayna war ay soo saartay ku sheegtay in aysan la yaabaneyn hadalkeeda.