Gudoomiyihii ururka naafada K/G oo hoygiisa lagu dilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururka Naafada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Jiis.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Mukhtaar Jiis lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla xero barakac oo ku taalla gudaha magaalada Baydhabo.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay marxuumkaasi oo sidoo kale ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Galbeed oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilkaas ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, waxaana ay shaaciyeen inay socdaan baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba ha’aatee marxuum Shariif Mukhtaar Jiis oo si weyn looga yaqiinay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Baay ayaa waxaa bartamihii sanadkii 2018-kii dhaawacay kooxo hubeysan, walow uu ka soo bogsaday dhaawacaasi.