CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday hoggaanka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 1-da Luulyo oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa weerarka afka ah ku qaaday Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku daydaan ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyinka uu qaado, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in buuga ay Villa Soomaaliya ay wax ka fiiriso laga soo miin-guuriyey magaalada Addis Ababa.

Hoggaamiyaha xisbigada Wadajir ayaa sidoo kale si kaftan ah uga hadlay xarigii Jawar Mohamed oo ah hoggaamiye mucaarad ah oo shalay lagu xiray Addis Ababa, wuxuuna tilmaamay in nin saaxiibkiis ah uu soo wacay, kuna yiri is-ilaali adiga ayaa ku soo xigo.

“Buugga Vila somalia wax ka fiiriso, waxaa laga soo miinguur Adiis Ababa, nin ayaa maanta isoo wacay oo ka mid ah dadka arrimaha geeska afrika aad ula socdo, markaasuu i yiri ninkii Jawar Mohamed in la xiray ma maqashay, jawar waa nin hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, markaasaa ku iri haa waa arkay adiga lagu soo socdaa is ilaali ayuu i dhahay, maxaa yeelay Abiy Ahmed hadduu xiray ninkii ka soo horjeeda, Villa Somalia shaqo kale ma qabaneyso dadka ka soo horjeeda ayay xireysaa, meeshaas laga soo qaataa tilmaamaha ee hala is jiro, marka haleyga warqabo yaan mar labaad la is gaadinee.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Inta badan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo ay si weyn isku hayaan Villa Soomaaliya eedeymo culus u jeeda madaxda dowladda dhexe, isaga oo si aad u naqdiya tallaabada ay qaadaan, gaar ahaan arrimaha doorashada 2020/2021-ka iyo amniga.