Masar oo weerar xooggan oo Internet-ka ah ku qaaday biyo-xireenka ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyadoo uu sii balaaranayo muranka diblomaasiyasadeed ee Ethiopia iyo Masar ee salka ku haya biyo xireenka lagu dhisay 4.8 billion oo dollar, ayaa burcad u dhalatay Masar waxay weerar Internet-ka ah ku qaadeen website-yo ay leedahay Dowladda Ethiopia todobaadyadii lasoo dhaafay.

Labada Dowladood ayaa muddo sanado ah ku muransanaa biyo xireenka Ethiopia ay ka dhiseyso ee Nile oo ah isha ay biyaha ka helaan 100 million oo dadka reer Masar ah.

Cadaawadda ayaa sanadihii dambe Ethiopia gelisay kunjiyadda burcadda internet-ka ee Ethiopia. Burcadda oo sheegtay in ay ka tirsanyihiin “kooxda Cyber_Horus” ayaa farriimo uga tagay internet-ka xarun tababar oo ay leeyihiin ciidanka Ethiopia, iyagoo ku goodiyay dagaal ka dhan ah biyo xireenka Nile iyo in “habaarkii Fircoon ku dhacayo” dadka Ethiopia.

Inta ugu badan website-yadda loo dhacay oo ay aragtay warbaahinta aan qormadan ka soo xiganeyno ee Quartz Africa, waxaa ku jiray farriimo ka sameysan sawir gacmeedkii hore ee Masar: “Haddii heerka webiga uu hoos u dhaco, ciidanka fir-fircoon ayaa deg-degi doona, waxayna soo noqonayaan keliya markii ay xoreeyaan Nile” ayaa lagu yiri fariimahas.

Fariimo lamid ah oo ay ku jiraan astaanta kooxda ayaa looga tegay 12 kale oo website-yo Dowladeed ah. Farriimaha ayaa u dabaal degaya Madaxweynaha Masar Cabdul Fitax Al-sissi. Ma jiro xiriir la ogyahay oo ka dhaxeeya kooxda iyo Dowladda Masar.

War ay soo saartay hey’adda amniga internet-ka Ethiopia ayey ku sheegtay in ay awood u lahayd ka hortagga weerar internet-ka ah oo xoogan. Inkastoo fariimihii iyo sawiradii meesha laga saaray, hadana inta badan website-yadii la beegsaday hawada ayey ka maqnaayeen Sabtigii lasoo dhaafay (27-kii June).

Masar waxay leedahay taariikh hanjabaad military oo ka dhan ah biyo xireenka laga dhisayo Nile. 1979-kii, Madaxweynihii Masar Anwar Sadat ayaa sheegay “in waxa kaliya ee Ethiopia dagaal gelin kara ay tahay biyaha.”

Iyadoo ay muuqato guuldarro diblomaasiyadeed, wadahadallo muuqaal ah ayaa dhexmaray madaxda Masar, Ethiopia iyo Sudan waxaana dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo matalayay Midowga Afrika.

Sida ay wararku sheegeen, Ethiopia ayaa ogolaatay in ay hakiso buuxinta biyo xireenka laba todobaad oo kale. Weerarka dhanka Internet-ka ah ee ay qaadeen kooxda fadhigoodu yahay Masar, ayaa u muuqda in uu san saameyn badan ku lahayn wada xaajoodka.