Saddex qof oo lagu arkay calaamadaha CUDURKA monkeypox oo la dhigay isbitaalka De Martino

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa daanyeerrada (Monkeypox), kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhigay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay laba ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ilo-wareedyo caafimaad oo ka tirsan isbitalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dadkan, oo ay si wadajir ah ay u wadaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Saddex qof ayaa laga qaaday tijaabo caafimaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda.

“Illaa natiijada shaybaarka ay soo laabato ma dhihi karno weli waa cudurka monkeypox, balse waxaa ka muuqda caalamadaha, waxaan sugaynaa natiijada,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Sawir laga soo qaaday qof ka mid ah dadka uu soo ritay xanuunkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qofkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xanuunkaan war kasoo saarto, kadib markii ay sameyso baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in deegaanada Somaliland lagu arkay hal kiis oo ah Busbuskaan halista ah ee afka qalaad lagu yiraahdo (Monkeypox).

Waa maxay cudurka monkeypox?

Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cudur uu keeno il-ma’aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan family-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, una gudba bani’aadamka (zoonotic disease). Waxaa badanaana lagu arkay keymaha Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo malax ku sita iyo qanjirro-barar, badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah. Xaalado aad u daran ayaa dhici kara oo mararka qaar dhimasho keeni kara.

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xayawaan qaba cudurka. Calaamadaha lagu garto waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hadda kahor laga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay tallaal.