Saddexdii askari ee wehliyey askarigii dilay George Floyd oo dacwado lagu soo oogay

Saint Paul (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo boolis ah ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwado la xiriira inay gacan ka gaysteen dilka George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo gacanta booliska Minneapolis ku dhintay, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota Keith Ellison.

Derek Chauvin, oo ah sarkaalka afaraad, kaasi oo horey loogu eedeeyey darajada heerka saddexaad ee dilka iyo tan labaad ee dil aan ulakac ahayn, ayaa waxaa iminka sare loo qaaday dacwaddiisa ayada oo lagu soo oogay dacwad ah darajada heerka labaad ee dilka, sida uu sheegay Ellison.

Darajada heerka saddexaad ee dilka ayaa waxaa lagu muteysan karaa ugu badnaan 25 sano oo xabsi ah, halka darajada heerka labaad ay keeni karto ugu bandnaan 40 sano oo xabsi ah.

“Halkan ayaynu joognaa maanta, sababtoo ah George Floyd nalama joogo,” ayuu yiri Ellison oo ah dimoqraadi, isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada St. Paul ee caasimadda gobolka Minnesota.

Ellison ayaa sheegay in maxkamadeynta saraakiishan ay qaadna karto bilooyin, wuxuuna ku booriyey shacabka inay dulqaad yeeshaan.

“George Floyd wuxuu ahaa qof macno leh, wuxuu ahaa qof la jecel yahay. Wuxuu muhiim u ahaa qoyskiisa, noloshiisa qiimo ayay lahayd. Waxaana u raadin doonaa caddaalad isaga iyo idinkaba,” ayuu yiri.

Ellison ayaa intaas ku daray in “aysan fudududaan doonin” in lagu guuleysto kiiska maxkamadda, iyo in dambiga lagu helo saraakiisha la eedeeyey.