Sadexda hadaf ee dalalka khaliijka ka leyihiin Geeska Afrika iyo loolanka Shiinaha

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Waddamo badan oo ka mid ah golaha iskaashiga khaliijka, ayaa isku dayaya in ay xoojiyaan joogiddooda Geeska Africa sababo dhawr ah awgood; sida laga soo xiganayo qoraayaal iyo fallanqeeyeyaal caalami ah.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey waa natiijo ka dhalatay wadamada gacanka oo loo yaqaan GCC, oo doonaya in ay ka muuqashadooda mandiqadda ballaariyaan. Iyaga oo isku hadaf ah, wadamada GCC waxa ay raadinayaan suuq iyo kheyraad.

Sida laga soo xiganayo Leulseged Girma, oo ah cilmi baare ku foogan siyaasadaha is diidan ee (Geopolitics), kaas oo ka tirsan ha’yadda daraasaadka xiriirka caalamiga ah iyo istiraatijiyadda ee Itoobibiya (Ethiopian Foreign Relations Strategic Studies Institute (EFRSSI), dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ku wajahnaa xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo dalalka GCC waxay salka ku haysaa saddex ujeeddo oo waa weyn.

Wadamadaas waxaa aad uga go’an in ay hoos u dhigaan ku tiirsanaantooda shidaalka, waxa ayna isku dayayaan in ay dhaqaalahooda uu noqdo mid qeybo badan ka kooban. Ma helayaan meel uga wanaagsan oo uga dhaw Geeska Africa. Wadamada Geeska waxa ay bilaabeen in ay fur furaan dhaqaalahooda oo laga fahmi karo sida ay Itoobiya dhawaan u bedeshay qaabkii ay u maamuli jirtay ganacsigeeda oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta, diyaaradaha iyo Hotel-lada. Wadamada GGC iyaguna wax ay aad maalgalin ugu sameeyeen  sidii ay Geeska Afrika cunto ku filan u heli lahayd, waxaana aad uga faa’iideystay Itoobiya iyo Sudan, sidaas uu sheegay Leulseged, oo markaa qiimeyn ku sameenaya waxa ka dambeeya is bedeladda dhawaan dhacay.

Waxa uu intaas ku daray Leulseged: “Khilaafka dalalka khaliijka waxa ay sidoo kale saameyneysaa Geeska Africa iyo danaha ay ka leeyihiin mandiqadda marka ay go’doomiyaan Qadar iyo Iran, kana horitaagaan adeegsiga Badda Cas ee muhiimka ah. Taas waa sababta ah ay dalalka heshiisyada maamulidda dekedaa ku yaal Badda Cas iyo Geeska si ay baahidoodda ugu daboolaan. Khilaafka UAE iyo Qadar waxa ay saameysay Soomaaliya oo ay M/Gobolleedyadeedu si cad u muujiyeen xiriirka ay la leyihiin xulufada uu Sucuudiga horboodayo kuwaas oo xiriirka u jaray Qadar.”

Wadamada GCC sidoo kale waxa ay doonayaan in ay xaqiijiyeen ka muuqashadooda Geeska sababo la xiriira maalgalinta ballaaran ee ay China ka waddo, kuwaas oo la xiriira waddooyin iyo mashruuca Belt kuwaas oo inta badan ku fooggan isku xrika ganacsiga ee Bariga Africa oo dhan iyo Aasiyada fog..

Geeska Africa waxa uu ku yaal aagga Gacanka Cadmeed, waxaana mara Bab al Mandab iyo Badda Cas, waana mid ka mid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan ee gacansiga aduunka. Bab al Mandab gaar ahaa waxa uu muhiim u yahay ganacsiga Aasiya sida China, Japan iyo India kuwaas oo halkaas Yurub iyo Africa wax badan uga dhoofiya iyaga oo marinkaas isticmaalaya. Waxaa intaas dheer, shidaalka ugu badan iyo saliidda dabiicga ah ee wadamada Gacanka ee ay Yurub u suuq geeyaan waxaa la mariyaa Gacanka Cadmeed, Bab al Mandab iyo marinka Badda Cas.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com