Safaaradda Turkey ee Xamar oo ogaatay khiyaano yaab leh oo looga qaadan jiray fiisaha

Muqdisho (Caasimada Online)– Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa aad u adkeysay bixinta dal-ku-galka (visa) oo horay u sahlaneyd in muwaadiniinta Soomaaliyeed si fudud ku helaan.

Tallaabadda safaaradda Turkiga ay ku adkeysay bixinta fiisooyinka ayaa salka ku haysa dhowr arrimood oo Soomaalida u sabab ah, iyadoo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay garoonka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejinayay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Turkiga, kuwaaasi oo jabiyay xeerka socdaal iyo sharciyada ajaaniibta ee Turkiga.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda, Soomaalida oo nidaamka ay ku dalbadaan fiisooyinka ka been sheega ayaa sabab u ah in la hakiyo ama aad loo adkeeyo bixinta dal-ku-galka Turkiga.

Soomaalida ayaa la ogaaday inay ka been sheegaan shuruudaha lagu xero codsadaha oo ah; caddeynta dhaq dhaqaaqa seddaxda bil ee ugu danbeyso akoonka banki iyo lacagta ku jirto cadadkeeda, ayada oo doonayo inay ugu jirto dhowr kun dollar iyo hab isticmaalka bilihii u danbeeyay.

Laakiin Soomaalida ayaa soo daabacda akoono aan jirin ama qof kale leeyahay balse magaca laga beddelayo. Dabagal iyo baaris ay safaaradda sameysay mudooyinkii danbe ayey ka ogaatay in akoono badan oo loo soo gudbiyey ay yihiin kuwa diiwaan gashneyn ama qofka ku qoran aanu aheyn kan visaha ku dalbanaya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in bankiyada qaar iyo safaaradda Turkiga ay arrintaasi wada shaqeyn ka yeesheen, sidaasi darteedna cid kasta oo dalbada fiisaha la weydiiyo caddeymaha koonta numberka iyo isticmaalka lacagaha saddexdii bil ee u danbeeyay, ciddii keentana laga hubiyo bankiga uu isticmaalo.

Inta badan Soomaalida dalbado fiisooyinka dal ku galka Turkiga ayaa diidmo la wada siiyaa marka ay safaaradda ogaato inay been ka sheegeen shuruuda dhaqaale ee qofka lagu xero, waxayna sidoo kale taas keentaa in qofkaas weligiis laga mamnuuco inuu helo dal-ku-galka Turkiga.

Arrintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka arrimaha caafimaad doonaya iyo ardayda waxbarashada u raadsada Turkiga ee sida saxan wax ku raadinaya.

Dhinaca kale, todobaadyadii u danbeeyay booliska Turkiga ayaa bilaabay inay guryaha u galaan Soomaalida degan dalkaasi iyo kuwa bannaanka laga qabto, kuwaasi oo loo ugaarsanayo sharci darada iyo nidaamka tuuganimada ay ku joogaan Turkiga, ayada oo badankood uu ka dhacay dal-ku-galkii.

Dadkaasi oo ah kuwa ku yimaada fiisooyinka waxbarashada ama dalxiiska ee marka waqtigii loogu talagalay ka dhaca dib u cusbooneysiin ama raadsan deganaanshaha dalkaasi, kuwaasi oo qorshahoodu yahay inay ka tahriibaan Turkiga, markii horena fiisaha kusoo qaata waxbarasho ama dalxiis.

Waxaa side kale, sare u kacay qiimaha muqalasiinta siisan jiray fiisaha Turkiga lacag dhan 3000 ill 2500 dollar, halka muqalasiin kale oo la ogaaday iyo dadkii ay lacagaha ka qaateen qoorta iskula jira, waxaana magaalada ka taagan muranka arrimahaasi ku saabsan.

Dadka Soomaaliyeed ee burburka 30-ka sano ku dhacay la qabsaday ayaa waxay meel walba ay tagaan ama dani ka gasho waxay kula dhaqmaan si laalaab ah, taasoo keeneysa in meel walba ay kasoo xeranto ama laga karaahiyeysto.

Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online
Muxiyaaddiin@hotmail.com