Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay MUQDISHO oo maanta xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa waxay maanta xukun 15 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasi oo qaraxyada u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cusmaan ayaa billooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, ayada oo 29-kii May ku wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Ninkaan ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen qaadista agabyada gawaarida “spare parts” iyo qaraxyada, wuxuuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo waday magaalada Muqdisho.

Fadhiga Maxakmadda ayaa waxa Maxamed lala keenay cadaymo ay kamid yihiin dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Maxamed ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab kaga biiray magaalada Beledwayne, waxaana ku qal-qaaliyay nin ay qaraaba-yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada, sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ku xuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.