Safarkii Shariif ee Jowhar oo su’aal weyn ka dhax-dhaliyay siyaasadda Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa si rasmi ah loo heli la’yahay xogta dhabta ah ee safarkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Dad badan oo siyaasiin ah ayaa is weydiiyay maxey ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif? Madaxweyne Shariif wax dhaafsiisan intii uu sheegay Jowhar ma u tagay? Kadib safarkiisii Jowhar iyo is-casilaada Waare maxaa isku beegay? Iyo su’aalo kale.

In badan oo kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Madaxweyne Sheekh Shariif uusan wax sahlan u tagin HirShabeelle oo uu ka maqnaa muddo ku dhow 15 sano, islamarkaana safarkiisa ku aadiyay waqti kala guur ah oo ay taagan tahay khilaafyo culus oo degaanka iyo dalkaba ah.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in safarkii Madaxweyne Sheekh Shariif uu badalay qorshaha Nabad iyo Nolal ee HirShabeelle oo si hoose ku socday, waxaana laga yaabaa in wax kasta isbadalaan doorashada baarlamaanka kadib.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalin iyo habeen ku soo qaatay Jowhar waxa uuna intii uu joogay la kulmay odayaasha dhaqanka, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dad kale oo ah siyaasiin miisaan culus ku leh siyaasadda HirShabeelle.