28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Safiirka cusub ee Soomaaliya ay u dirtay Sacuudiga oo si rasmi ah loo aqoonsaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) — Wasiir ku-xigeenka u qaabilsan Arrimaha Habmaamuuska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdulmajiid Al-Smari, ayaa si rasmi ah u guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee danjiraha cusub ee dalalka Soomaaliya, isagoo wakiil ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Sida lagu baahiyay barta X ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Al-Smari ayaa waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed ka guddoomay Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, oo ah safiirka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Boqortooyada.

Danjire Maxamed Amiin ayaa xilkan kala wareegaya Aweys Xaaji Yuusuf, oo xafiiskan joogay tan iyo sanadkii 2023-kii, balse dhowaan loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayaa timid laba toddobaad un kadib markii xukuumadda Riyadh ay si rasmi ah u ogolaatay magacaabista Maxamed Amiin, oo ka mid ahaa gacan-yarayaasha aadka ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya, inuu noqdo safiirka u fadhiya dalkaas.

Qoraal diblomaasiyadeed oo soo baxay 16-kii bishii Febraayo ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu ku xaqiijisay inay aqbashay codsigii ay xukuumadda Muqdisho gudbisay bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Danjire Maxamed Amiin, oo horay u soo noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa xilal sar sare kasoo qabtay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Beddelitaanka Aweys Xaaji Yuusuf, oo bishii Agoosto ee sanadkii 2025-kii dib loogu yeeray magaalada Muqdisho si uu u noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka, ayaa si cad u muujinaysa mudnaanta weyn iyo ahmiyadda gaarka ah ee ay dowladda Soomaaliya siineyso xiriirka Riyadh.

Isbeddelka Isbaheysiga gobolka 

Isku-shaandheyntan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu hawlan tahay xoojinta isbaheysiyadeeda istaraatiijiga ah, kadib markii uu gaaray heerkii ugu hooseeyay cilaaqaadkii u dhexeeyay Muqdisho iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sanadkan, xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba laashay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee ay la lahayd Abu Dhabi, oo ay ku jiraan heshiisyadii maamulka dekedaha iyo kuwii iskaashiga amniga, iyadoo Imaaraadka ku eedeysay inay dhaawacayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa haatan u arka Boqortooyada Sacuudi Carabiya inay tahay quwad muhiim ah oo isku-dheelitir diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaaleba kaga abuuri karta gobolka, si looga hortago saameynta dalalka kale ee Khaliijka.

Horraantii Febraayo, labada dal ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis weyn oo dhanka iskaashiga milateriga ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo tayada, qalabeynta, iyo awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay dalka uga difaacaan khataraha ammaan kadib tobanaan sano oo xasillooni-darro ah.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News