Sahan Research oo jawaab kasoo saartay GO’AANKII Maxkamadda G/BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay shalay gaartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun xabsi shan sano ah ku riday agaasimaha hay’adda Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sahan Research ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xukunkan, islamarkaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay racfaan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maadaama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayntiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilmaantay dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xooggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filayaan in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaahinta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda taageera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.