Reer Sheekh Cabdi Celi oo ka hadlay cida ka dambeysay calankii SHIICADA ee lagu dhex-arkay dhowaan

Warsheekh (Caasimada Online) – Sheekh Daa’uud Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi oo ka mid ah dhasha Sheekh Cabdi Celi ayaa ka jawaabay qoraal iyo sawirro kusoo baxay shabakadda Caasimada Online oo ku saabsanaa in calanka Shiicadda laga taagay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi ee degmada Warshiikh.

Sheekh Daa’uud ayaa sheegay in si qaldan degmada Warshiikh loo keenay calanka, islamarkaana qofkii ka danbeeyay ujeedadiisa ay aheyd “Igu sawir”, balse goobta lagu qabtay oo ciqaabtii uu mudnaana la marsiiyay, degmada Warshiikh-na laga masaafuriyay.

Sheekh Daa’uud ayaacaddeeyay in caqiiqada diineed ee Shiicada ay tahay wax la wada ogyahay islamarkaana ay haboon tahay in la iska fogeeyo oo boog muslimiinta ku taal ay yihiin, wuxuuna intaa uu raaciyay in degmada Warshiikh ay tahay xarun diinka loo soo doonto, islamarkaana cid laga aqbalaayo inaysan jirin in wixii diinta dhaawacaayo in lala soo galo.

Baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in shaqsiyaadkii ka danbeeyay in calanka Shiicada lala soo galo siyaartii Sheekh Cabdi Celi in ay ahaayeen kuwo doonayay inay isku sawiraan si dhaqaale ugu helaan, ayaga oo ka faa’iideysanaya tirada dadka badan ee imanaya siyaarada.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in arrintan uu ka danbeeyay nin sheegta `wakiilka Shiicadda ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Cali “Dooro”, kaasoo qof wakiil ka ahaa uu calanka kusoo dhex qariyay bac madow, kadibna uu ka taagay dhismo u dhow halka siyaarta ka socotay.

Ninkaas ayaa waxaa gacanta ku dhigay xertii siyaarta iyadoo markii danbe laga mamnuucay inuu dib danbe u yimaado degmada Warshiikh.