Maamulka degmada Guriceel oo farriin culus soo saaray, kadib bixitaankii Ahlu Sunna

Guriceel (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka magaalada Guriceel, Anas Cabdi Macalin oo la hadlay wariyeyaasha ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ugu hore Anas Cabdi ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray howl-galkii maalmaha badan qaatay ee ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaciyey in haatan ay amniga si wadajir ah u sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ee dagaalka ku qaaday Ahlu Sunna.

Anas Cabdi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray shacabka Guriceel, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, maadaama ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishda Galmudug ay si buuxda ula wareegeen gudaha magaaladaasi.

Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gargaar deg deg ah la gaaraan qoysaska barakacay ee ku sugan duleedka magaalada Guriceel.

Xaaladda magaalada haatan deggan, waxaana saaka gudaha u galay ciidamada huwanta oo isku ballaariyey degmada Guriceel oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, ciidamada Ahlu Sunna ayaa iyaguna ku sugan deegaanka Gol-Wiil oo hoostaga magaalada, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo cusub iyo saldhigyo ciidan.