Daawo: DENI oo sabab yaab leh u weeraray FARMAAJO kadib doorashadii Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlayay guushii ay kusoo gaba-gabowday doorashadii tijaabada aheyd ee golaha deegaan eelagu doortay golayaasha seddax degmo oo qof iyo cod aheyd.

Saciid Deni ayaa boggaadiyay doorashadaasi isagoo ku tilmaamay inay aheyd mid taariikhi ah oo waddada u xaareysa in guud ahaan Puntland ay qaado dhabbaha doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna u mahad celiyay xisbiyadii siyaasadeed ee ka qeybgalay, shacabka Puntland iyo hay’addihii ka qeyb qaatay qabsoomida doorashadaasi tijaabada aheyd.

Dhanka kale, Saciid Deni wuxuu u mahad celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseeb Rooble oo ka hambalyeeyay tallaabadaasi ay qaaday Puntland, halka uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdllaahi Farmaajo.

Deni ayaa Farmaajo ku weeraray inaanu ka hadlin doorashada, inkasta oo hadalkiisa kadib uu Farmaajo soo saaray qoraal uu ugu hambalyeeyey.

“Waxaan ka xumahay madaxweynaha Somalia iyo Villa Somalia oo aan wax qoraal ah kasoo saarin arrintaan aadka u weyn, iyadoo Villa Somalia laga bartay inay wax kasta oo dhaca ay baaq ama hambalyo kasoo saarto, waxaa halkaa ka muuqanaysa in badana aan ku celcelin jiray, Madaxweyne Farmaajo doorasho qof iyo cod ah ma rabo, federaalna maba rabo, maanta ayuu caddeeyay runtii inuusan rabin doorasho qof iyo cod, maxaa yeelay dadkii waqtiga geliyay ee guushaasi gaaray umuusan hambalyeeyin, arrintaasina waa mid u baahan in bulshada Soomaaliyeed loo bayaamiyo,” ayuu yiri Saciid Deni oo shacabka ugu baaqay inay ogaadaan aragtida madaxweyne Farmaajo iyo asxaabtiisa la joogta inaysan raali ka aheyn in dalka Soomaaliya u jiheysto doorasho xor, xalaal ah, qof iyo cod ah.

Saacado kadib waxaa durbadiiba qoraal kasoo baxay xafiiska Villa Somalia loogu hambalyeeyay xisbiyada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashadii ka dhacday seddaxda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyadoo lagu xusin magac, balse lagu soo koobay xisbiyadii ka qeybgalay doorashadaasi.