Sanbaloolshe oo ka digay qorshe uu sheegay in R/W ROOBLE loo adeegsan rabo

Muqdisho (Caaismada Online) – Siyaasiga caanka ah Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay iyo sidoo kale doorashooyinka dalka 2021-ka.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, isla-markaana ay sidii hore aad uga wanaagsan tahay.

“Xaalka sidii hore waa ka fiican yahay waa lasoo wada miirsaday, awalba miir la’aanta dhinac ayey u badneyd,” ayuu yiri siyaasiga caanka Sanbaloolshe

Sidoo kale Sanbaloolshe oo hore usoo noqday taliyihii hay’adda NISA ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, isaga oo tilmaamay in Farmaajo uu rabo inuu Rooble ku baabi’iyo xubnaha mucaaradka.

“Ra’iisul wasaare Rooble maanta (To Day) waa nin warqad cad ah, Farmaajana wuxuu rabaa inuu u diro in mucaaradka uu soo baaba’sho,” ayuu markale yiri Sanbalooshe.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Mucaaradka haddii Farmaajo af ilka leh ku qaniini jireen, maantana waa in Rooble af aan ilko laheyn ay ku qaniinaan,”.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ra’iisul wasaaraha in uusan qaadan talada Farmaajo iyo ciidamadiisa, si ay miro dhal u noqdaan dadaallada oo haatan wado ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ay heshiis ku gaareen magaalada Muqdisho, si loo amba-qaado wada-hadalladioi doorashooyinka dalka.