Muqdisho: Dhacdo xanuun badan oo 8 qof ay ku dhinteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhisme qadiimi ahaa kusoo dumay barakacayaal degan gudaha deegaanka Garasbaaley.

Wararka ayaa sheegaya in darbigan oo ay hoos daganaayeen qoysas dan-yar ah oo kasoo barakacay Shabeelaha Hoose ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof oo ay ku jireen hooyo iyo 5 caruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen illaa 4 qof oo kale.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burburka dhismahaasi uu sababay roobkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey caasimadda.

“Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay waa roobkii ugu dambeeyay ee da’ay oo jilciyay dhismaha,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabada aas loo sameynayo dhammaan dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ahaa barakacayaal degan waaxda afaraad ee Garasbaaley.

Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan gudaha magaalad Muqdisho ka dhacay dhimasho iyo dhaawac oo ay sababeen burburka dhismooyin ku yaalla caasimada.