Gantaalkii Shiinaha ee kasoo fakaday hawada sare oo ku soo dhacay dhulka – Xagee?

Beijing (Caasimada Online) – Haraadigii gantaalkii Shiinaha ay u direen hawada sare balse soo fakaday ayaa Axadda maanta ah kusoo dhacay Badweynta India, ayada oo inta badan uu burburay markii uu soo galay jawiga dhulka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Tani waxay soo geba-gebeysa maalmo hadal hayn oo ku saabsan halka uu gantaalka ku dhici karo gantaalka.

Gantaalkan oo ka mid ah koox gantaallo ah oo loo yaqaan Long March 5 ayaa Shiinaha ay u adeegsadaan inuu shaqaalaha iyo agabyada u qaado saldhigga ay China ka dhiseyso hawada sare.

Warbahainta Shiinaha oo soo xiganeysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha ayaa sheegtay in gantaalka uu ku dhacay meel dhinaca galbeed ka xigta jasiiradda Maldives. 

Fakashada gantaalkan ayaa walaac badan ku abuuray dunida oo dhan tan iyo markii ay Shiinaha u direen hawada sare 29-kii April, balse kadib la shaaciyey inuu fakaday.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalka uu dib usoo galay hawada dhulka saacaddu markay aheyd 10:24 am xilliga Shiinaha, kuna beegneyd 5:24 am xilliga Muqdisho. 

Ayada oo inta badan dhulka dushiisa ay biyo daboolaan, suurta-galnimada ah in gantaalka ku dhaco meel ay dadku ku badan yihiin ayaa aad u yareyd, waxaana kasii yaraa in dhaawacyo uu gaysto, sida ay sheegeen khubarada.

Hase yeeshee hubanti la’aanta arrintan iyo in Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay xaqiijin xooggan soo saaraan ayaa walaac badan ka abuurtay dunida.