Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray ergeyga Midowga Afrika, dacwadna ka gudbiyey la-taliye sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey allaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxday midowga musharaxiinta.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka  codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub.

Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa.

“La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMISOM, koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub u ah waajibaadkiisa, isla markaana si dhab ah oo taban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin. Markii aan dib-u-eegista iyo latashiga ballaadhan la yeelanay Mr. Taiwo waxqabadyadiisii ​​hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo.

“Goluhu si niyad sami ah ulama shaqeyn karo Mudane Taiwo. Waxaan rajeyneynaa kana codsanayaa in Midowga Afrika inuu si xushmad leh uga fiirsado magacaabistiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa xalay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.