‘Soomaaliya waxay noqon lahayd waddanka saddexaad ee ugu taajirsan adduunka’

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo su’aalo lagu weydiiyey barta ClubHouse ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka maarmi karto dhaqaalaha lagu taageero ee dibedda ka yimaada.

“Jawaabta su’aasha ku saabsan maka maarmi kartaa dhaqaalaha nalagu taageero waa haa waan ka maarmi karnaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sii raaciyey “Si aan uga maaranno, waxaa loo baahan yahay Soomaalida inay fahmaan inaan leenahay dal aad iyo aad qani u ah dadkiisuna ay aad faqri u yihiin. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay dalalka Kahliijka u arkaan kuwo qani ah. Haddaad fiiriso Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka waxay leeyihiin Shidaal, intooda badan waxay leeyihiin Shidaal kaliya.”

Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay kaalin wanaagsan geli lahayd haddii ay soo saari kari lahayd shidaalkeeda.

Waxa uu intaas ku daray inuu arkay daraasado la sameyey sanadkii 2009 taasoo lagu sheegay in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar saddex ka gali lahayd hodontinimada caalamka.

“Soomaaliya waxay leedahay Shidaal aad u badan. 2009-kii daraasado aan arkay qeexayeen in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar toddobo ka gali lahayd. Dhowr sano kaddib waxaan arkay daraasad kale oo sheegeysa in Soomaaliya haddii shidaalkeeda lasoo saaro ay noqon lahayd lambar saddex. Shidaalka waxaa noo dheer waxa la yiraahdo gaaska dabiiciga ah. Adduunka waxaa kaalinta koowaad uga jira Ruushka, kaalinta labaad waxaa ku jirta Qadar, sida aan filayo, Soomaaliyana waxaan u maleynayaa in ay labadoodaba meel la mid ah haddiiba aysan ka badneyn ay gaarsiin lahayda” ayuu yiri.