Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-gallada ayaa waxaa xigay iska hor imaadyo kooban oo dhex-maray labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada kala ah Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey iyo Gumeysidiid ee gobolka Sh/Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay khasaare xoog-leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.