QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’addeeda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa war kasoo saaray xaaladda adag ee Soomaaliya, iyada oo ka digtay daadad ku soo wajahan dalka, iyada oo laga cabsi qabo inay da’aan roobab xoogleh.

FAO ayaa sheegtay in wabiga Shabelle uu buux-dhaafsamay, isla-markaana uu kar-kaaraha jabsaday dhinaca magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Sidoo kale hay’adda ayaa ugu baaqday dadka degan hareeraha wabiga inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga fogaado waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaha

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri baqayn ka soo baxday hay’adda cunada ee FAO.

Sidoo kale waxay hay’addu ku baaqday in si wadajir ah looga hortego daadadkaasi, si loo bad-baadiyo shacabka, loogana hortego waxyeelo ka dhalata fatahaadaha soo noq noqday.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysaa xaalad adag oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan ugu sii darsamay kuwa  kale oo bani’adanimo oo ka dhashay fatahaadaha.