Somaliland oo 8 QODOB ka soo saartay amniga SOOL

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddiga nabad-gelyada gobolka Sool ee Somaliland ayaa soo saaray siddeed qoddob oo lagu xoojinayo amniga gobolka, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood.

Guddiga ayaa gebi ahaanba mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah iyo gawaarida aan taarikada lahayn ee magaalada dhex-socda, kuwaasi oo wajahi doona ciqaab adag.

Qodobada ay soo saareen guddigaan ayaa sidoo kale waxaa lagu xakameynayaa socodka gaadiidka ee habeenkii xiliga dambe, sida ay isla qaateen xubnaha guddiga nabad-gelyada gobolka Sool.

Gobolka ayaa muddooyinkii dambe wajahayay falal amni darro, ayada oo magaalada Laascaanood ee caasimada gobolkaas ay ka dhaceen dilal qorsheyn iyo qaraxyo aan hore looga baran Somaliland.

Hoos ka aqriso 8-qoddob ee guddigu soo saaray:

1- Qabashada Hubka
2- Gadiidka aan Taarikada lahayn
3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga kala guurka
4- Qoriga la qabto in lahaynayo Saddex bilood oo u dhiganta 90 cisho
5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xiran sharciga in la horgaynayo.
6- in aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabtananuu yahay dambiile sharcigaana la horgaynayo.
7-Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayaan in la qabanayo.
8-Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.