Sanbaloolshe oo ku billowday lixdan cisho oo xasillooni ah

Muqdisho (Caasimada Online) – 4-tii bisha April ee sanadkaan Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe u magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

Waxay aheyd markii saddexaad ee halkaasi la geeyo, laakiin markaan marxaladdu waa ka duwaneyd siddii hore oo wuxuu kusoo aaday hay’ad aad u kortay, sharci leh, kuna guuleysatay inay wax weyn ka qabato amniga magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Lixdan cisho ayaa laga jooga magacaabistii Sanbaloolshe. Wuxuu ku bilowday hab shaqo oo degan, wuxuu sameeyay isbeddelo kooban, wuxuuna u muuqda inuu joogteeyay dhaxalkii taliyihii hore.

Inkasta oo uusan hadda socon dagaal toos ah oo lagula jiro kooxaha argagixisada, haddana dhinaca ugu weyn ee lagu eegayo Sanbaloolshe waa amniga caasimadda, wuxuuna u muuqda inuu helay lixdan cisho oo xasilloon oo ay hay’adda ku guuleysatay inay joogteyso amniga caasimadda.

Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe wuxuu waayahan dambe sidoo kale u badnaa gobolka Hiiraan, isagoo xoogga saaray inuu xaliyo xiisadda reerkiisa kala dhaxeysa maamulka HirShabelle iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan markale wejiga labaad ee la-dagaalanka argagixisada.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ku baxay xiisadda waayahan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh kala dhaxeysa dowladda Isu-tagga Imaaraadka, maadaama uu ku jiro siyaasiyiinta loo xagliyo inay saaxiib la yihiin dowladda Imaaraadka Carabta.

Dalkan yar ee Khaliijka ku yaalla ayaa joojiyey lacago uu bishii ku kabi jiray ciidanka la yiraahdo Bolisiiyo-Milataaro ee ay dhigtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Sanbaloolshe loo diray Abu Dhabi si uu arrintaasi xal ugu raadiyo.

Iyada oo hoggaanka hay’adda NISA ay ku amaanan yihiin dadaalkooda amni, haddana shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla inay door fiican ka qaatan shaqadaan socota, si buuxda loogu soo afjaro kooxaha argagixisada.