XASAN SHEEKH oo xeelad cusub u degay xildhibaanno badan oo ballan sugayaal ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay sugayaan ballan ay la gashay Villa Somalia, oo saddex shaqo la qabteen, iyaga oo aan eegin danta qaranka, sidoo kalena aan aqrin waxa ku qoran waraaqaha laga dalbaday inay ansixiyaan.

Saddexdaas shaqo waa habraacii dastuurka ee xeer-jebinta ahaa, afartii cutub ee dastuurka ee ay Soomaalida si weyn iskugu khilaaftay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran.

Markii la qabanaayay saddexdaasi shaqo Xildhibaannada qaar waxaa loo ballan-qaaday xilal wasaaradeed, qaar lacago, qaarna dhulal. Inta ballankoodii la fuliyay waa tiro aad u yar.

Xildhibaannada waxaa badankood ka muuqda gadood xooggan. Dhinaca Villa Somalia waxaa hadda kasoo socoto saddex shaqo oo cusub oo marna noqon karta afar shaqo, waxayna Madaxtooyadda dooneysa in isla ballan-qaadkii hore la cusbooneysiiyo oo loo adeegsado shaqooyinkan.

Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu furmayaa bisha soo aadan ee July. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rabaa in Xildhibaannada la meel-mariyaan sharciga doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Qorshaha maraxweyne Xasan iyo kooxdiisa waa in Xildhibaannada ballan-qaadyada sugayaa la weydiisto inay kiisaskaan cusub la meel-mariyaan Madaxtooyadda, kadibna loo fulin doono ballan-qaadkii hore.

Qaar kamid ah Xildhibaannada ballan sugayaasha ah ayaa inoo sheegay in aysan jiri doonin shaqo cusub oo aan la qaban doono Villa Somalia illaa ballantii hore la fuliyo.

“Haddii ay ballantii hore fuliyaan waa macquul in aan arrimaha soo socda kala shaqeyno, laakiin qaabka uu hadda u fikiraayo madaxweynuhu kama yeeli doonaan Xildhibaannada,” ayuu yiri mid kamid ah Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay.

Haddii aad isweydiinayso sababta ay Villa Somalia laaluush ugu bixineyso shaqooyinkan jawaabtu waa inay yihiin howlo aanay Soomaalidu heshiis ku aheyn oo qof ama koox gaar ah dan uga dhex jeedaan.

Wax walba oo aanay umadda u dhameyn waa qasab in lala aado laaluush iyo dariiq aan munaasab aheyn oo dhaawacaaya muunada qaranka.

Villa Somalia iyo Xildhibaannada hadda waa isku dhakan yihiin, waxaana la eegayaa cidda uu qorshaheedu hirgalo.