Sanbaloolshe oo shaaciyey sida uu ku yimid go’aankii lagu dhiibay Qalbi-Dhagax, cafisna dalbaday (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah u shaaciyey cidda laheyd amarkii dowladda Itoobiya loogu gacan galiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka ururka xornimo doonka ah ee ONLF.

Sanbaloolshe oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in amarka lagu dhiibay Qalbi-dhagax ay la haayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagana lagu amray doorkii fududeynta ahaa ee uu ku lahaa.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan dalbanayo in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa arrintaas oo uu ku tilmaamay dambi weyn iyo qayaano qaran oo ay sharci tahay in la isku maxkamadeeyo.

“Aniga waxan ahaa qof amar la siiyay, Qalbi-Dhagax dhiibistiisa dembi weyn oo la galay ayuu ahaa. Waan qirsanahay taas xitaa in la isku maxkamadeeyo inay waajib tahay ayaan qabaa” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Arrinta Qalbi-dhagax in la iga cafiyo ayaan rabaa, anigu qeyb ayaan ku lahaa falkaas, laakiin amarka lagu soo xiray ee loogu dhiibay Itoobiya waxaa lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.”

Wareysigaan ayuu Sanbaloolshe talo ugu soo jeediyey madaxda dowladda ee ku kacday falkaas uu ku tilmaamay dembiga.

“Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa inay qaataan go’aan geesinimo leh, ma qaldame waa ilaahey, waa in golaha wasiiradu mar kale ka fariistaan arrinta ONLF oo ka saaraan liiskii ay ku dareen ee argagixisada, waa in madaxda ONLF oo Qalbi-dhagax ku jiro Muqdisho lagu casuumo dembigaasna looga hoydo” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA.

Hoos ka daawo wareysiga Sanbaloolshe