Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKII Shangaani iyo xiisad weli ka taagan caawa

Muqdisho(Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda oo galabta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Shangani ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa dhismaha safaaraddii hore ee Itoobiya iyo xarunta Taraafikada ee ciidanka booliska Soomaaliya oo ku taalla degmada Shangaani.

Iska hor imaadka galinkii dambe ee maanta dhex maray labada ciidan ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana weli si rasmi ah loo xaqiiji karin tirada dhimashada, balse waxaa ku dhaawacmatay seddax qof oo mid yahay askari boolis ah, halka labada kalena ay yihiin dad shacab ah.

Dagaalkan ayaa salka ku haya guri ku yaalla degmada Shangaani, waxuuna dagaalku dhex maray ciidamo iskugu jira boolis iyo militeri oo dadkoodu ay deganyihiin gurigaas iyo kuwo Nabad sugid oo dhinac ah, sidoo kalena ah kuwa iyagu weerarka soo qaaday.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay saakay tageen gurigaas la isku heysto, isla markaana qoysaskii deganaa ay ku amreen inay ka baxaan guriga, taas oo iyaguna ay ka biya diideen, waxaana sidaas goobta ku soo gaaray ciidamada difaacaya qoysaska degan guriga.

Intii uu socday dagaalkaas waxaa goobta gaaray ciidamo uu hoggaminayo taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo kala qaaday labadaas ciidan, isagoo xeryahoodii dib ugu celiyey, balse daqiiqado kadib ayey ku soo laabteen isla goobtii.

Labada ciidan oo garab ka socdo Nabad sugidda, garabna yahay ciidan iskugu jira boolis iyo militeri oo diidan in qoysaskaas guriga laga saaro ayaa caawa isku hor fadhiya nawaaxiga guriga la isku heysto oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.