Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza oo habeen hore si qoto dheer uga hadlay xiriirka kala dhexeeyo madaxweynihiisa, kadib markii su’aal xasaasi ah laga waydiiyay inay is qabtaan isaga iyo madaxweynaha oo uu khilaaf yimaado.
Xamza ayaa tilmaamay in mararka ay dhacdo in ay kala argti duwanaadaan isaga iyo madaxweynaha, balse uu tanaasulo, ama ay si hoose ku wada dhammeystaan doodooda.
“Aragti kala duwanaan way jireysaa marna ma dhacdo hal wax oo dhaco oo kulligeen isku aragti ka noqono ma jirto laakiin iyada oo nala ogeyn oo aan cidna na dhex dhexaadin aan xallino, waana sameynaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shaaciyay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota, sida horey uga dhacday doorashooyinkii lasoo maray ee dalka.
“Dhaqan ahaan anigu waa ka duwanahay dad badan. Aniga madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo, dadka oo dhan waa u sheegaa wey iska cadahay taasi,” ayuu yiri Xamza.
Intaa kadib Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo u jawaabay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xamza uu ka tanaasulay awooddii uu siiyay Dastuurka, isla markaana halkii uu wax qaban lahaa uu indhaha ka fiirsaday qaladaadka madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.
“Xamza Cabdi Bare, ayaa la weydiiyey su’aal ah, “Noo sheeg sirta ka dambaysa isqabad la’aanta adiga iyo madaxweynaha. Balse Jawaabta saxda ah waa “inuu katanaasulay shaqadii dastuuriga ahayd ee uu qaranka u qaban lahaa oo dhan, wuxuuna indhaha kafiirsaday waxkasta oo uu khalday madaxweyne Xassan Sheekh”. ayuu yiri Sanayre.
Go’aanka Xamza uu qaatay ayaa ah mid wado cusub jeexaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay hore u arkeen ra’iisul wasaare si weyn ula loolamay madaxweynihii magacaabay, taas oo dhaqan siyaasadeed ka noqotay Soomaaliya.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.

