27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Horjoogihii Al-Shabaab ee Shabeellada Hoose oo la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya ayaa khaarijiyay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka UPDF.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa taliska waxa uu ku sheegay Cismaan Xuseen Buune, kaas oo lagu dilay howlgal ay ciidamada Uganda 14-kii bishaan ka fuliyeen aagga Buulo-mareer.

Waaxda Isgaarsiinta ee UPDF ayaa shaaca ka qaaday in horjoogaha lagu dilay weerar lama filaan ah oo ay ciidamadooda ku qaadeen, xilli uu ku sugnaa meel u dhow Buulo-Mareer oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika

Sidoo kale, ciidamada Uganda ayaa intii uu socday howgalka gacanta ku dhigay bastoolad, boorso yar, durbaan iyo laba taleefoon gacmeed,iyo agab kale oo muhiim ah.

Taliska Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ayna ka go’an tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada ee ku sugan halkaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Uganda ayaa kasoo muuqday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan Shabeellaha Hoose, iyaga oo la howlgalaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay si wadajir u fuliyeen dagaallo ay kasoo hooyeen guullo waa wayn.

Bishii hore ayay ahayd markii ciidamada Uganda oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka ay howlgal ballaaran oo xoreyn ah ay ku qabsadeen deegaanka Bariire, halkaas oo sidoo kale lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Shabaab, ayna ku jireen saraakiil sar sare.

Intii ay socdeel dagaalladaas waxaa sidoo kale ciidamadu ay qarxiyeen gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, kuwaas oo duqeyn lagu gubay.

Dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba jibaartay dagaalka, waxaana la sii xoojiyay ciidamada ku sugan furimaha hore, kuwaas oo howlgaladii ugu dambeeyay kasoo hooyay guullo waa wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News