27.1 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Sawirro: Somaliland iyo Taiwan oo maanta qaaday tallaabo cusub + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Taipei (Caasimada Online) – Xukuumadaha Somaliland iyo Taiwan ayaa qaaday tallaabo kale oo ay ku xoojinayaan iskaashigooda maaliyadeed iyo midka dhinaca diblomaasiyadeed, kadib kulan gaar ah oo maanta dhex-maray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland, Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Wu Chih-chung François oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale oo sare sare.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada dhinac ay diiadda ku saareen xoojinta xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyaga oo sidoo kale isla meel dhigay iskaashi cusub oo dhinacyada maaliyadda, ganacsiga iyo tiknolojiyadda ah.

Sidoo kale Bankiga Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan ayaa dhawaan kala saxeexan doona heshiisyo is Af-garad (MoUs), sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo lagu faah-faahiyay iskaashiga labada dhinac.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

𝐖𝐚𝐫-𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝: 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐀𝐈𝐖𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐗𝐎𝐎𝐉𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐁𝐋𝐎𝐌𝐀𝐀𝐒𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Taipei, Taiwan – Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa  kulan heerkiisu sareeyo la  yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Ambassador Wu Chih-chung François, iyo mas’uuliyiin kale oo sare sare.

Kulanka ayaa daarnaa adkaynta xidhiidhka gaarka ah ee labada dal,  iyadoo labada dhinac-  Baanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Taiwan weeyaane-   ay isla meel dhigeen iskaashi cusub oo dhinacyada Maaliyadda, Ganacsiga iyo Tignoolajiyada ah.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu xusay kaalintii uu hore uga qaatay aasaaskii iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2019 xiligaas oo uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee somaliland, waxaana uu tilmaamay sida uu maanta u midho dhalay xidhiidhkaas labada dal oo ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo himilo wadaag.

Sidoo kale waxa uu tilaamay in Iskaashiga Maaliyadeed, ka ganacsi iyo tignoolajiyaduba ay muhiim u tahay koboca dhaqaale ee labada dal ee Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baanka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey waxay booqdeen xarunta  dhexe ee Hay’adda Dhexe Caymiska Dhigaalka   ee Taiwan  (Central Deposit Insurance Corporation (CDIC), waxaana weftigta Somaliland  si diiran u soo dhaweeyey Mr. Tien-Mu Thomas Huang, oo ah Guddoomiyaha hay’ada CDIC, Madaxda fulinta Annie Cheng, iyo Guddoomiye ku-xigeenka fulinta Yvonne Y. Fan, kuwaas oo la wadaagay weftiga Somaliland khibraddooda ku saabsan Nidaamyada Caymiska Kaydka baananka iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee kale si loo Maareeyo khataraha ke gedaaman, Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar-geliyo iskaashiga iyada oo loo marayo heshiish is af-garad (MoU)  oo dhex mara Baanka Somaliland iyo Hay’ada (CDIC).

Guddoomiyaha Baanku intii uu joogay Taiwan, waxa uu sidoo kale wada hadal la yeeshay

  1. Baanka Dhexe ee Taiwan (Central Bank of Taiwan).
  2. Hay’ada Korjoogtaynta Hay’addaha Maaliyadeed (Financial Supervisory Commission) (FSC) ee Taiwan,
  3. Hay’adda Caymiska Kaydka Dhexe ee Taiwan (CDIC)

Kulamadaas oo dhammaatood guul ku soo dhamaaday  waxa laysla iqaatay in ay sameeyaan dhinacyadu iskaashi ku salaysan Khibrad-wadaag, Taageero farsamo , Horumarinta kaabayaasha maaliyadeed  oo casri ah, iyo Fududeynta ku biirista Somaliland ee Nidaamyada Lacag-bixinta iyo is dhaafsiga lacagaha Caalamiga ah  ee SWIFT.

Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan waxa  ay dhawaan kala saxeexan doona Heshiisyo  is Af-garad (MoUs), si loo rasmiyeyo  oo looga dhabeeyo ballan-qaadyadan iyo is-fahanka dhex maray labada dhinac,   Waxaana sida  ugu dhakhsaha badan  dhawaan la filayaa in Hay’adda Dhexe ee Caymiska Dhigaalka   ee Taiwan (CDIC) ay noqoto hay’addii ugu horraysay, taas oo gacan ka geysan doonta aasaasidda Nidaamka Caymiska Dhigaalka Somaliland, hadii Alle idmo.

Gebogabadii, Guddoomiyaha Baanka  Dhexe Somaliland  ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid horseedi doona furfurnaan iyo in la horumariyo bahda  Maaliyaddda ee Somaliland, taas oo keeni doonta koboc dhaqaale oo waara.

Guddoomiyaha waxaa kulamada ku wehlinayey Safiirka Somaliland ee Taiwan Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, , iyo Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, Lataliyaha Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland.

ALLA MAHAD LEH

- Advertisement -

Read more

Local News