Saraakiil iyo dagaal-yahano badan oo Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax baabuur

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno koonfurta gobolka Mudug waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan ay ku geeriyoodeen qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen.

Gaariga uu qaraxu haleelay oo la sheegay inuu nooca dagaalka ahaa ayaa marayey duleedka deegaanka Qeycad, waxuuna ku sii jeeday deegaanka Bacaadweyn ee isla gobolka Mudug.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah ayaa baahisay in xubnaha Al-Shabaab uga dhintay qaraxaas ay isugu jireen saraakiil iyo dagaalamayaal, kuwaas oo la socday hal gaari.

Dadka reer miyiga ah ee ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay waxay sheegeen in nooca qaraxaas uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana la rumeysan yahay in isla kooxda Al-Shabaab ay meesha geliyeen.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar ku dhaca dabinada ay u maleegayaan dadka kale si ay u khaarajiyaan, waxaana sidaan oo kale horay ugu qarxay miinooyin ay u diyaariyeen inay ku dhibaateeyaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay maamulaan.

Bilihii lasoo dhaafay dad badan oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxyada miinooyinka ah ee wadooyinka isaga kala goosha koonfurta gobolka Mudug ay gelisay kooxdu, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay guluf ku qaadeen dhamaan deegaanada dhaca koonfurta gobolkaas.

Al-Shabaab ayaa haatan si buuxda u maamulaya dhamaan deegaanadii ay kula dirireen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, sida Bacaadweyn, Qeycad, Camaara, Shabeelow iyo tuulooyin kale.

Sidoo kale cabsidii ugu darneyd ayaa hadda soo wajahday dadka ku nool deegaanka Wisil ee gobolka Mudug oo 27-kii Juun ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar ay ku dileen in ka badan 30 qof oo shacab ah, wararka aan ka heleyno Wisil waxay sheegayaan in kooxdu ay kaabiga ku heyso deegaankaas.