Kadib Guriceel, madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay inuu weeraro deegaanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta waxa uu Madaxweynaha Galmudug ugu baaqay inuu weerar ku qaado deegaanka Wisil iyo deegaanada u dhow-dhow.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in deeganadaas ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan kooxaha argagixisada si ay u qabsadaan deegaano kale oo hor leh, una dhibaateeyan shacabka.

“Odowaa iyo madaxweyne QoorQoor waxaa looga fadhiyaa xooggii, xoolihii iyo abaabulkii ciidan ee ay ku bixiyeen Guriceel in ay Wisil uga difaacaan argagixisada, waa haddii Galmudug maslaxadeeda iyo xasiloonideeda laga shaqaynayey!,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba aan laga aqbali doonin in uu yiraahdo madaxweyne Qoor-Qoor bulshada ku nool Wisil iyo agagaarkeeda iska difaaca argagixisada.

“Shacabka Galmudug waxa ay sugayaan talaabada uu arrintaan ka qaado QoorQoor oo laba mid un noqon doonta; inuu ka dhabeeyo is difaaca iyo in uu gurmad ciidan bixiyo oo la isaga difaaco argagixisada!.”

Xildhibaan Fiqi ayaa kal hore madaxweynaha Galmudug ku dhaliilay in awood ciidan oo loo baahna inuu kula dagaalamo Al-Shabaab uu la aaday ururka Ahlu-Sunna oo ayagu markii dambe iskaga baxay Guriceel.